Tuesday, March 3, 2020

Sheeko funny ah

Mid reer Mudug ah oo Ciise la yiraahdo oo Taajir ah oo Dubai dagan ayaa nin Shaqaalihiisa kamid ah u diray Aabihiis oo reer baadiye ah si uu usoo kaxeeyo oo Dubai ugu keeno.... kadib Ninki wuxuu odaygi kasoo waday baadiyaha Mudug Gaalkacyo ayuuna diyaarad kasoo saaray.... Odayga marki Diyaaradda lasoo saaray ee ay Hawada gashay buu arkay Guryihi iyo dadki oo sii yaryaraanaya.... Cabaar buu daaqadda Eegay saa wuxuu arkay Diyaaraddi oo inta Caadkii jiirtay Hawadaa sii gashay markaasuu ninki waday ku yiri.... Adeer ma Ciisihi aan dhalay baad ii waddaa mise NABI CIISE 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂

No comments: