Wednesday, March 18, 2020

CALAAMADAHA LAGU GARTO SHUKAANSIGA DHABTA AH

Habeenka Koowaad oo ay labada qof Telephone ku sheekaystaan. 😂😂😂😂

Xariifkii fiid horeba wuu soo hoyday mobaylku Jaajar gashtay, lacag ku hadal ahna wuu ka buuxsaday, sariirta uu ku sexanayeyna wuu sii diyaarsaday, wuu casheeyey wuu soo qubaystay isaga oo degan ayuu qolkiisa soo gallay maxaa yeelay waxa dhaw wakhtigii ballanta, ku darso gabadha lafteeddu kama hawl yara e shaqadaas mid ka hawl badan bay martay 😂😂😂😂😂 kadib maxaa dhacay.

Isaga "Hellow Asc".
Iyada "Wcs Walaal"
Isaga "Kawaran Caafimaadkaaga"
Iyada "Nabad walaal".

Cabaar yar oo aamus ah
Isaga "kawaran Xaalkaaga kale"
Iyada " Masha Allah gabadh walaashay ah uunba naga xanuusan".
Isaga "Maxaa Hellay"
Iyada " Hargab iyo Madax Xanuun".
Isaga "Haa anaga xataa qaar aan shaqada kawada shaqayno baa Xanuusan".
Iyada "Haa"
Isaga "waa xanuun sahlan oo magaladda ku jira"
Iyada "Dabcan haaa"

Halkaas marka ay marayso saacadda africadda Barri waxa ay gaadhay 1-dii ama 7-saac.
Gabadhii oo hurdo qabatay baa tiri "Haye salaaddii cishe ayaanan tukan, marka wan tukanayaa kadibna waan sexanayaa e Habeen wanaagsan.

Isaguna markaasu ugu jawaabayaa "Haye ana salaatul layl baan tukanayaa hadda Kadibna waan sexanayaa e habeen Wanaagsan"

Labaduba sariirta kama kicin e way iska seexdeen........ xooga kadibna way Khuurinayaan
Khuuuuuuuuu Khuuuuuuuuuu 😂😂😂😂😂.

Subaxdii buu xariifkii shaqada ka habsaamay ilaa waa nin dhafray e markii la waydiiyeyna kulahaa "Xallay baan Boqoradaydii la hadlayey oo ku dhafray, arrimo mustaqbal baan kala hadlayey". 😂😂😂😂😂
Iyaduna sidaaso kale kulahaa "Qofkaygii baa xallay i dhafriyey oo sheekaddiisan u boggay sidaasan u dhafray" 😂😂😂😂😂😂

No comments: